Thursday, December 08, 2005

Afkii ba juuqda gabay

Naftaydaa kuu jiirbanoo
Waxay haysa jamashadaa
Adaan kuu jeellanahayoo
Jacayl baad igu abuurtay
Ma jiifsado cawadii
Dharaartii ma joogi karo
Dhinaca aad iga jirtaa
Qalbigu ii jiidayaa

Hayeeshee Jab bay horjooga
Jir baa igu helay bannaan
Jar baan ka lushaa khatara
Talaa iga jahawareersan

Jid aan u baxaanan hayn
Jahadii baa iga hallowday
Haddaan kuu jeedi laayoon
Jabka kuu sheegi laa
Awood baan jirin xaggaygoo
Afkii baa juuqda gabay.

Jirrada miyaad ila qabtaa
Miyaad jeer qur ah is tiri
Jalleeco kalgacal ku eeg
Adaa sida johoraddii oo
Jirrada adigaa sidee
Jawaab waafiya i siiyoo
Jaahaaga sidaan u rabo
Ma ii jirisaa

By Saado Cali

3 comments:

The Rendezvous said...

You make me feel 15 years back..Walahi I was touched by "afkii ba juuqda gabay"..song..I have even lost the casso..(as in kasoo)

NATIVE said...

Man............you make me go back with that song. Reminds me of my chldhood drinking my evening tea wuth the song blasting in the background...........
Happy memories.......i didnt realise i miss home that much.....guess its tym i get the cassete and reminisce.
Good one girl!

PuRe pLeAsuReS! said...

Hey,
Back to memory lane( i was 8 yrs old).. Thanks so much for posting this.
I use to chew my lyrics( for being a sujui) and now i got the whole deal, thanks to you. I will not be the laughing stock in the family karaoke nights. Watch out,I am going to kick ass.